Wasiir Goodax “Puntland Cawinaad ayay siisaa Wasaaradda Waxbarashada XFS” (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in si khaldan loo turjumay Hadal uu dhowaan jeediyay oo ku aadaneyd in Puntland ay diiday ka qeyb-galka Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dowladda Federaalka.

Wasiir Goodax ayaa Qiray in Dowladda Puntland ay nidaamka Waxbarashada uga horeyso Dowladda Federaalka, ayna aragtiyo iyo Cawinaad ka siiso Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka.

Goodax barre ayaa sheegay in Dowladda Puntland aysan ka maarmin Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka, si khaldan looga turjumay hadalkiisii.

C/llaahi Goodax Barre, ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu maanta la kulmay Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Dowladda Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS