Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay Geerida C/rashiid Xirsi (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Hore ee Golaha Wakiilada Puntland Marxuum C/rashiid Maxamed Xirsi.

Xildhibaanada oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa Sheegay in Marxuum C/rashiid oo kamid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa sheegay in Marxuum C/rashiid Maxamed Xirsi uu kamid ahaa Halyeeyada Dowladda Puntland.

Waxaa uu sheegay in uu ahaa Ruux Taariikh ku leh Mandiqada Puntland, ayna tabi doonaan Shacabka Dowladda Puntland, oo uu ku baneeyay Door muhiim ah.

Ugu Dambeyntii, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa Sheegay in Marxuum C/rashiid Maxamed Xirsi loo sameyn doono Aas Qaran, isagoona si gaar ah Tacsi ugu diray Ehelada iyo Qoyskii uu ka baxay.

Daawo.

IDIL NEWS