130 Ruux oo ku geeryooday Qaraxyo ka dhacay Sri Lanka (Daawo)

COLOMBO (IDIL NEWS)-Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyo ka dhacay Kaniisado iyo Hoteelo ku yaalla degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa ee dalka Sri Lanka.

Inta la xaqiijiyey 130 Ruux ayaa qaraxyadaas ku geeriyooday halka 80 kale ay ku dhaawacmeen, xilli uu socday dabaaldega Ciida masiixiga,waxaana qaraxyada oo gaaraya ilaa lix lagu weeraray Hoteelo iyo Kaniisado.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 80 qof oo dhaawac ah la dhigay isbitaallada Colombo.

Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan laga dareemayaa guud ahaan dalka Sri Lanka, iyada oo Maanta ay siweyn u hadal hayaan qaraxyadaas Warbaahinta Caalamka.

IDIL NEWS