AFRICOM “Ciidanka DF iyo AMISOM waxay la wareegeen Aagag cusub” (War-saxafadeed)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose, lagu dilay labo dagaalyahan oo ka mid ah Al-shabaab.

Waxaa kale oo lagu sheegay in Duqeynta oo dhacday 19-kii bishan uu barbar socday Howlgal dhulka ah oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya u suurtageliyay inay Al-shabaab ka saaraan Jiinka wabiga Jubba.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa dhulka ay ka baxeen Al-Shabaab ee Wabiga Jiinkiisa ah, waxaa ay ka sameysteen difaacyo cusub sida lagu sheegay qoraalka Mareykanka.

Akhriso War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM.

IDIL NEWS