Axmed Karaash oo weerar afka ah ku qaaday Aaran-jaan (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiika Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal iyo Madaxda kale ee Wasaaradda.

Axmed Karaash ayaa Sheegay in Madaxdii hore ee soo martay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadii Madaxweyne Gaas, ay wax wanaagsan ka qabteen Wasaaradda, isagoona sheegay in uusan garaneyn inay macquul tahay inay raad ka tagi doonaan Madaxda hada oo uu ugu horeeyo Wasiir Xasan Shire Abgaal.

Madaxweyne Karaash oo maanta Daah-furay Shirka Soo Bandhigidda, Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay’addaha Dowladda. ayaa yiri “Waxaana gaar ahaan u sii mahadcelinayaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee ka tagay raadkaan wanaagsan Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed, waxaana ka codsanayaa ama ku boorinayaa wasaarada Maaliyadda ama madaxda hadda joogta iyaga qudhooda in laga arko raad ay ka taagan HADAY KA TAGAAN BA”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa katirsan Kooxda Aaran-jaan oo gacan weyn ku laheyd soo bixitaankii Madaxweyne Deni, waxaana dadka aqoonta u leh ay ku tilmaamaan ruux Musuq-maasuq badan oo xilka loogu dhiibay rabitaanka Kooxda ay isku siyaasadda yihiin.

Daawo.

IDIL NEWS