Halkee ka howlgalayaan Ciidanka Badda ee ay dhisaneyso Itoobiya ?

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-DowladdaItoobiya ayaa sheegtay iney ciidamadeeda badda ee burburay 1990-yadii ay 27 sano kaddib dib u soo celineyso dhawaanna shaqadooda billaabayaan.

Sarreeya Guud Birhaanuu Julaa oo wareysi ay la yeelatay wargeyska ‘Addis Zemen’ oo afka dowladda ku hadlo ayaa sheegay “iney dolwadda Itoobiya ay ka shaqeyn hayso sidi ay u dhisna lahayd ciidama bad oo adag.”

“Ciidamada badda ee ay Itoobiya dhisaneysana waxay noqon doonaan ayuu yiri kuwa tababar casri ah leh isla-markaana qalabki ugu dambeeyey ee ciidamada badda adeegsada.”

Abaanduula ku xigeenka ciidmada Itoobiya oo soo xigtay hadal horay uga soo yeeray xisbiga talada dalka Itoobiya haya oo lagu soo daabacay bogga ay baraha bulshada ku leeyihiin wuxuu yiri:

“Waa inaan muujinnaa sameynta siyaasadeed ee ay Itoobiya ku leedahay dhinaca badda. Waddama badan ayaa meela fogfog ka imanaya si ay badaha dariska nala ah ay saameyn ugu yeeshaan oo saldhigyo ka sameeysto. Annagu waxaan nahay waddan facweyn oo ay ku nool yihiin shacab ka badan 100 milyan. Marka ma jiri karto sabab aan bad la’aan u noqon karno”.

Dowladda Itoobiya ayaa leh machad lagu tababaro xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 oo qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 qof.

IDIL NEWS