Madaxweyne Farmaajo “Siyaasiyiin iyo Madax baa nagu dacweysay Beesha Caalamka” (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa  sheegay in siyaasiyiinta iyo Madaxda kale ee Dowladda ku dacweynaya Beesha Caalamka ay yihiin kuwa doonaya in ay dumiyaan dowladda uu isaga Hoggaamiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Mucaaradnimada ay wanaagsan tahay, Balse aysan habooneen in Beesha Caalamka la isku dacweeyo, taasi ayuu ku tilmaamay in ay tahay dowlad dumin iyo faragelin shisheeye.

Waxaa uu sheegay in la doonayo in Xasilooni darro iyo Rabshado lala doonayo Dowladda uu hoggaamiyo, taas oo sabab u noqon karta in mar kale ay burburto Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa hadalkan ka sheegay shir looga hadlay kalinta culimada ay ku leeyihiin Amniga iyo Dib u heshiisiinta dalka oo lagu qabtay Muqdisho.

Daawo.

IDIL NEWS