Mudug: Keydkii Hubka ee Ciidanka Galmudug oo gubtay

DOCOL (IDIL NEWS)-Faah-faahino dheerad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaaro geystay oo Maanta ka kacay Bakhaar lagu keydiyo hubka, oo ku yaalla deegaanka Docol ee Gobolka Mudug, kaas oo ay leeyihiin ciidamada Galmudug.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, isla markaana qeyb kamid ah Bakhaarka uu sameeyey, waxaana qarxay qaar ka mid ah hubka ku jiray Bakhaarka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug oo ku aadan dabka`ka kacay Bakhaarka lagu keydiyo hubka Ciidamada Galmudug eek u yaalla deegaanka Docol ee Gobolka Mudug.

Deegaanka Docol ayaa qiyaastii 40km u jira Magalada Gaalkacyo,waxaana deminta dambkaas oo ka bilaawday koronto ku guuleystay Maamulka deegaanka Docol iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaankaas.

IDIL NEWS