Nairobi: Wararkii ugu dambeeyay ee kulamadii Madaxda D/gobaleedyada iyo Beesha Caalamka

NAIROBI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo Guud iyo kuwo Gooni gooni ah kula yeeshay Magaalada Nairobi Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Kulamadan oo ah kuwo Xasaasi ah ayaa waxaa ay u dhexeeyeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe, iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geellw Xaaf iyo Safiiro Dhowr ah.

Kulamada ayaa intii ay socdeen looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Sidii Beesha Caalamku ay Dowlad Gobaleedyada si toos ah u siin laheyd  Deeqaha Soomaaliya oo hada lasoo marsiiyo Dowladda Federaalka, Xaalada ammaan iyo nooca Doorasho ee dalka ka dhaceysa oo aan illaa hada Dowladda fadhigeedu yahay Xamar aysan cadeyn.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa si gaar gaar ah ula kulmay Safiirada Beesha Caalamka, kuwaas oo ay kala hadlayeen xoojinta xiriirka kala dhexeeya Dalalka ay ka socdaan.

Dowladda Soomaaliya oo horey u sheegtay inay soo xirtay albaabadii u furnaa Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ayaanana weli ka hadlin kulamada Magaalada Nairobi uga socda Madaxda Saddex Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya.

IDIL NEWS