Puntland oo baaq u dirtay Gaadiidleyda (Daawo)

QARDHO (IDIL NEWS)-Waxaa Degaanada Dowladda Puntland si weyn uga socota Qaadista Canshuuraha Gaadiidka, Iyadoona si weyn looga dareemayo Olalahan oo ah mid ka socda dhamaanada Gobalada Dalka.

Ciidamada Ilaalada Waddooyinka iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Sagaalka Gobal, ayaa Heegan la geliyay, waxaana lagu arkayaa waddooyinka Ciidanka oo baaris ku sameynaya Gaadiidka, sidoo kalena hubinaya inay canshuuran yihiin.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay Gaadiidleyda inay bixiyaan Canshuuraha Waajibka ku ah, si Dowladdu ay ugu guuleysato Sugida ammaanka iyo hirgelinta adeegyada Bulshada.

Daawo.

IDIL NEWS