Farmaajo oo u anba baxay socdaal aan muhiim ahayn

MUQDISHO (IDILNEWS).Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.

Shirkan,ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas.

Qoraal ka soo baxay dowlada Federalka ayaa lagu yiri.

”Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan.”

Qoraalka,ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynuhu shir dooceedyo la yeelan doono Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Somaliyed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Safarkan horay looma sii shaacin,wuxuuna kusoo aadayaa xili maalin ka hor la shaaciyay in uu Sacuudiga usocdaalayo Madaxweynuhu,balse uu aaday Degmada Afgooye.

Safarkan Dad badan,waxay u arkaan in uusan xiligan ku haboonayn lagana maarmi karay madaama xaalka dalku adag yahay.

Dowlada Fadaraalka ah ee Somaliya oo xiligan uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo,ayaa wajahaysa mucaaradad xoogan iyo culaysyo dhaqaale xumo iyo amni daro baahsan.