Jabuti oo kaga baxday shiinaha heshiiskii dhisida garoon diyaaradeed casri ah

JABUTI (IDILNEWS).Dowladda Jabuti waxay wada-xaajood la leedahay Bangiyo ku yaalla Qaaradda Yurub, si ay u maalgeliyaan Garoon Diyaaradeed oo cusub, kadib, markii ay kansal-garaysay Qandaraas la siiyey Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Madaxda Dekedda Badda Cas ee Jabuti,ayaa laga soo xigtay in ay wada-xaajood kula jiraan Bangiyo Reer Europe, si ay ugu heshiiyaan dhismaha Garoonka Cusub.

Bangiga Horumarinta Jarmalka The German Development Bank, ee loo yaqaano KfW ayaa la sheegay inuu ugu horreeyo Kooxaha doonaya maalgashigaasi , si uu u bixiyo 420-million oo Dayn Ganacsi o olagu fulinayo Mashruuca Garoonkaasi.

Guddoomiyaha Dekedaha Jabuti iyo Deegaanadda Free Zone-ka, Abuubakar Cumar Haddi ayaa ku sheegay hadalkaasi mar uu Wareysi bixiyey, wuxuuna tilmaamay inaan weli heshiiska la dhamaystirin.

Garoonka hadda loo raadinayo Lacagaha Daynta ayaa la sheegay in laga dhisi doono magaalladda Cali Sabiix oo ah magaalladda labaad ee ugu weyn dalka Jabuuti, kuna taalla meel ku dhow xuduudka dalka Ethiopia.
Garoonka oo yeelan doona Labo dhabo (runways) oo ay diyaaraduhu ku soo degaan, kana kacaan oo uu midkiiba dherekiisu dhan yahay 4.2 KM, Adeeg Dhismaha Xamuulka, Terminal ay Rakaabka adeegsadaan.

Kharajka Lacagaha Deynta lagu dhisi doono Garoonka cusub, waxaa al doonayaa in la bixiyo muddo 15-sanno oo ay la socoto x3 sanno oo muddada fasaxa ah.

Dhiinaca kale, Dowladda Jabuuti waxa ay qorsheynaysaa in Garoonka Calaamiga ee Ahmed Dini International Airport laga dhiso 7-da jesiiradooda ee waalaalaha ah ee kaabiga ku haya Gacan-biyoodka Baabul-mandabka oo ay adeegsadaan Maraakiibta Calaamiga ee isku xira Kanaalka suweys iyo Badweynta Hindiya.ga dhisayo.