Video:-Dhimashada Qaraxyadii Sirilaanka oo sii siyaaday

COPENHEGEN(IDILNEWS), Tirada dhimashada weerarkii lagu qaaday kaniisado ku yaalla dalka Sri Lanka waxay gaartay 290 qof.

Booliska Sri Lanka waxay sheegeen inay xabsiga u taxaabeen 24 qof balse lama garanayo ilaa hadda cidda ka dambeeyasay qaraxyada.

Ugu yaraan 500 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka.

Ugu yaraan 35 qof oo shisheeye ayaa ku dhintay qaraxa.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Sri Lanka tan iyo dagaalkii sokeeyee ee dalkaasi ka dhacay sannadkii 2009-kii.

Ra’iisul wasaaraha Sri Lanka Ranil Wickremesinghe waxaa uu sheegay in laamaha ammaanka dalkiisa ay ka war hayeen wararka suurtagalnimada weerarka balse aanan wax falcelin ah laga sameyn arrintaasi.

Hoos ka daawo muuqaal warbixin ay BBC-da qaybteeda Ingriisku ka diyaarisay qaraxyadaas.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka