Video:-Faysal Cabdi Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe

GAROWE(IDILNEWS). Hal-abuurka dhismaha dalka talo ku haboon kama maarmo.

Mudane Faisal Waa Khabiir Ku Takhasusey Qorshaynta Magaalooyinka & Dhismahooda Waxaana Intaas U Dheer Inuu Yahay Khabiir Siyaasada Geeska Africa Daraaseeya Ku Firfircoon Isla Markaasna Saamayn Muuqata Ku Leh Sidoo Kale Wuxuu Saameyn Ku Leeyahay Arimaha Siyaasada Dalka Uu Degan Yahay Ee Maraynkanka.

Sida Uu Sheegay Puntland Wuxuu U Yimid Inuu Kala Shaqeeyo Ganacsato Reer Puntland Ah Qorshaynta Dhismayaal Badan Oo Ay Ka Hirgalinayaan Puntland.

Marar Badan Ayay Ganacsatada Iyo Qurbo-joogta Reer Puntland Ka Hirgaliyeen Dalka Dhismayaal Badan Oo isku xiran loona dhisey qaab Degmo-xaafadeed ah laakiin lagu guul daraystey iney hoy joogto ah u noqdaan Dadkii maal-gashadey loona dhisey sababo la xiriira farsamo xumo ka timid nakhshad xumo, tayada oo aad u hooseysay iyo dhismayaashaas oo laga hir-galiyey meelo aysan nolol amaan leh aysan ka suurto gali karin.




Faysal oo ah shaqsi saamayn ku leh siyaasada gudaha ee dslka,ayaa ka qaybgeli doona doodo la qorsheeyay oo ka dhici doona xarumaha Jaamacadaha Garowe maalmaha soo socda.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka