Video:-Laba ka mid ah Xisbiyada siyaasada Somaliland oo heshiis ka gaaray doorashooyinka

HARGAYSA (IDILNEWS). Qodobadan ay ku heshiiyeen labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid,ayaa waxaa laga xusi karaa kuwan soo socda:-

1. Laba xisbi qaran ee UCID iyo kulmiye waxay isku afgarteen in doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilada ee qorshaysan inay qabsoonto 13 december 2019 ay ku qabsoonto wakhtigii loogu tallogalay.

2. In komishanka doorashooyinka qaranka ee hadda jira uu bilaabo hawlaha diiwaangalinta iyo u diyaar garowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Wakiilada.

3. Sidoo kale, waxa ay xisbiyada qaranka ee kulmiye iyo UCID isla qaateen in 01 augusta 2019 la soo xulo komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub, komishanakas oo tiradiisu tahay 7 xubnood

Komishanka doorashooyinka qaranka ee hada shaqaysanaya ayaa sii waddi doonna hawlaha qaban qaabada doorashooyinka illaa dhamaadka muddo xilleedkooda sida ku cad xeerka doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa lagu heshiiyey in doorashadda soo socota ka dib wax laga bedeli doono tiradda xubnaha guddida doorashooyinka oo laga dhigi doono sagaal xubnood halka ay imika ka tahay toddoba xubnood, waxaana min xubin dheeraad ah la siin doonna labada xisbi mucaarad.

Dhinaca kale, xisbiga WADDANI ayaa isagu ka maqan heshiishkan ay gaadheen labada xisbi,hoos kad aawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka