Video:-Madaxweyne xigeenka Puntland oo magacaabay gudi la tacaala tacadiyada Kufsiga

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray hirgelinta iyo fulinta xeerka kufsiga, iyadoo oo la tixraacayo go’aankii kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumadda ee toddobaadkii hore.

Xeerka kufsiga fulintiisa iyo maarayntiisa ayaa waxaa horay loogu magacaabay Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka, Cadaaladda, Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Danbi Baarista, Guddoomiyaha Guddiga Xuuqda Aadanaha iyo Guddiga Sare ee Garsoorka.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tixraacaya Qodobka 37-aad ee lagu aas-aasay Guddiga gaarka ah ee fullinta iyo Maraynta arrimaha la xiriira danbiyada kufsiga si waafaqsan sharciga ayaa waxaa guddigaas lagu xoojiyey Madaxtooyada, Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha.

Ugu dambeyntii Guddigan uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa ay u xilsaaaran yihiin qodobbada hoos ku qoron;

  1. Hubinta iyo dabagalka fullinta xukumada kufsiga.
  2. Maareynta iyo u kuurgelidda arrimaha ku saabsan kufsiga.
  3. Baarista haddii ay jiraan waxyaalo dhiiri gelinaya ama cid ka danbeysa soo noqnoqoshada ficilka kufsiga ee dilku la socdo.
  4. Dib u eegista iyo ka talo bixinta awoodaha iyo hanaanka shaqo ee Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha kufsiga.

Halkan ka daawo muuqaalka