Safiiradii Hindiya iyo Switzerland oo laysku badalay

Copenhegen.idil News.Safiirkii Somaliya u fadhiyay Dalka Hindiya Marwo Abyan Ladane,ayaa loo badalay dalka Switzerland.

Marwo Ebyan oo ah khabiirad dhanka diblomaasiyada ah,in ka badan 10-sano ayay safiirad ka ahayd Dalka Hndiya.

Switzerland mid ka mid ah Safaaradaha Somaliya ugu muhiimsan ee dibadaha fadhiya waxaana dalkaasi xarun uu u yahay hay’ado tfara badan badan oo heer caalami ah.

Sidoo kale Safiiradii Somaliya ee Switzerland Marwo Faadumo Insaani,ayaa Todobaadkii hore looga yeeray Muqdisho,waxaana hada xogo hor dhac tilmaamayaan in loo badalay dalka Hindiya oo ay Safiirad ka ahayd Marwo ebyan Ladane.

Faadumo Insaani,ayaa ka aamustay codbixin Qaramada Midoobay ay uqaadaysay Buuraleeyda Golen Hights oo ay sheegatay Dowladda Isreal.
Dhanka kale waxay xoguhu sheegayaan in Dowlada Fadaraalku magacowday 20-Xoghayeyaal oo ka shaqaynd oona Safaardaha Somaliya ay ku kala leedahay caalamka.

20-ka Xoghaye ee la magacaabay,5-ka mid ah waxay kasoo jeedaan Puntland,iyadoo ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu dajiyo reer Puntland oo shaqaalaha Dowlada Fadaraalka ah laga nadiifiyay .

Xog ururin kal hore la sameeyay,ayaa tilmaamaysay in shaqaalaha Dowlada Fadaraalka Puntland ay ku leedahay qoondo gaaraysa 2.2 boqolkii halka Somaliland ay ku leedahay 22.2 boqolkii.