Video:-Dhismaha Laamiga Burtinle oo gaba-gaba ah

“Dhismahan waa tijaabo guuleystay ,waddadaan burbur xoog leh ayaa soo gaaray ,haddana sida ay isku badashay way muuqaata, waana dhaqaalo ka yimid bulshada oo gacan ka helaya Kebarco oo ah shirkad ka dhabeysay riyada ay bulshadu qabeen”. ayuu yiri mid ka mid ah guddiga gacanta ku haya dhismaha waddada bartamaha ee degmada Burtinle.


Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed iyo qurbajoogta inay ka qaybqaataan sidii loo dhammeystiri lahaa mashruucan ku billowday iskutashiga,waxaana qorshaha uu yahay in 3 km ee waddada loo qorsheeyay in la dhammeystiro.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka