Dowlada Qatar oo ku gacansayrtay Codsi uga yimid Dowlada Farmaajo

Doha.idil News.Dawladda Qatar iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo uu xiligan hogaamiyo Madaxweynaha la dhaliilsan yahay ee Farmaajo,ayaa la sheegayaa in ay soo kala dhex gashay xiisad diblomaasiyadeed, kadib markii Qatar ay diiday codsi ka yimid Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Qatar waxay diiday dalabka Dowladda Farmaajo hogaamiyo,kaasoo ku aadanaa in ay shirkadda Talyaaniga ah ee ENI ay joojiso qodis shidaal oo ay ka bilowday dhul badeedka ay Kenya iyo Soomaaliya ku muransan yihiin.
Kenya,ayaa shirkadan Talyaaniga ah ogolaansho u siisay in ay Dhul Xeebeedkan muranku ka taagan yahay ka bilowdo qodis shidaal.

Shirkadda Qatar Petroleum waxay saami ku leedahay shirkada ENI ee Talyaaniga ah, waxaanay saamiyada Qatar ee shirkadani u badan tahay hawlgalo shidaal baaris ah oo ay shirkadan Talyaaniga ka wado dalal ka tirsan Qaaradda Afrika.

Dowlada Villa Soomaaliya ee taagta daran,ayaa Qatar ka usoo jeedisay in ay ENI kala hadasho joojinta baarista shidaal ee Xeebaha lagu muran san yahay,taa badalkeedana ay Qatar kala baxdo Saamigeeda ay ku leedahay shirkadda, haddii aysan soo jeedinteeda qaadan.

Shirkada ENI ee laga leeyahay Dalka Talyaaniga,ayaa kal hore ka iibsatay Kenya Aagag shidaal oo ku yaala dhul badeedka ay ku muransan yihiin Somaliya iyo Kenya.

Dawladda Qatar,ayaa muranka xuduud badeedka u dhaxeeya Kenya iyo Somaliya waxay la safatay Kenya,iyadoo ilaalsanaysa saamigeeda ay ku leedahay Shirkadda ENI.

Madaxweynaha hogaamintiisa aadka loo dhaliilay ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxuu khilaafkii Wadamada gacanka Carbeed la saftay Dowladda Qatar,iyadoo uu ka diiday isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraadka in uu xiriirka u jaro Dowladda Qatar.

Dad badan oo la dhacsanaa go’aankii uu xiligaas qaatay Madaxweyne Farmaajo,ayaa aqbalay in uu ahaa miid khaldan oo khatar ku ah danaha Mustaqbal ee Dalka.