Golihii Sare Ee Dalka Senegal Oo La-laaley

Gaalkacyo,idil News.Golaha sharci-dajinta wadanka Senegal ayaa u qaybsanaa 150 kursi oo golaha Qaran ee shacabka iyo 100 kursi oo golaha sare ah, kulamo badan ka dib waxay cod u qaadeen isla markaasna sharci kasoo saareen in la isku shaandheeyo labada gole si xal loogu helo loona badbaadiyo kharash gaaraya 15 Malyan oo Dollar.

Wasiirka Cadaalada Aminata Toure ayaa faah-faahin ka bixisey sababta loo laaley Golaha Sare in looga gol lahaa in dawladu yarayso kharashaadkeeda iyo kharashkaas loo weeciyo caawimo loo fidinayo dadkii dhibaatadu kasoo gaarto daadadka roobka oo kumanaan dad ah saameeyey kana dhigey hoy la’aan halka ay gaysteen ugu yaraan 13 qof oo dhimasho ah.

Dhanka kale, Golaha Sare (Senate) ee dalka Senegal ayaa ahaa hay’ad ku cusub hanaankooda dawladeed isla markaasna ay u arkeen hay’ad ku sifeysan kharash burburin baahi doorkeeda loo qabana aysan jirin, waxay ahayd meel dawladu ku sharafto dad wax-qabad hore lagu maamuuso iyo taageerayaasha xisbiyada ama ruug-cadaa kale kuwaasoo xilal ka waayay golaha wakiilada shacabka iyadoo kala bar xubnaha golaha sare ku imaan jireen magaacis Madaxweyne.

Sidoo kale, Golaha sharci-dajintu waxay tirtireen jagada Madaxweyne-kuxigeenka oo Madaxweynihii hore ee Senegal Abdoulaye