Kulankii Nayrobi oo soo idlaaday iyo Garowe oo shir weyne lagu qabanayo

Nayrobi.idil News.ulan muhiim ahaa oo dhexmaray Madaxda sadex ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Safiirka Maraykanka ee arimaha Somaliya,ayaa soo gabagaboobay.

Kulankan oo ka dhacay caasimada Kenya ee Nayrobi,waxaa dhanka Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka uga qaybgalay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed islaam.

Qodobada ugu muhiimsanaa ee looga xaajooday kulanka,ayaa waxaa ugu waa weynaa..

1.Amaanka,
2.Federaaliisamka,
3.Dimuqraadiyeynta,
4.Maalgashiga.
5.La dagaalanka argagixisada

Madaxtooyada Puntland war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in kulankaasi uu kusoo idlaaday isfahan buuxa guud ahaan arimihii looga wada hadlay.

Dhanka kale xogo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in Safiirka Maraykanka ee arimaha Somaliya Yamamoto uu ku booriyay Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka in ay shir looga xaajoonayo Amniga iyo Dastuurka ay abaabulaan gugu badnaan laba todobaad gudahood.

Sida xoguhu tilmaamayaan Madaxweyne Deni,ayaa aqbalay in uu shirkaas martigaliyo laguna qabto Garowe.

Shirkan laysku raacay in la qabto,ayaa lagu casumi doonaa Madaxda ugu saraysa Dowlada Fadaraalka Farmaajo iyo Khayre,Madaxda labada Aqal ee Baarlamaanka,Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Waa Shir haday kasoo qaybgalaan iyo hadaysan kasoo qaybgalin Madaxda ugu saraysa Dowlada Dhexe ee Fadaraalku talada dalka ee ay isku koobeen gacantooda ka saari doona ugu danbayna ay ka dhalan doonto qorshe ”Road Map” oo dalku ku gaaro 2021.

Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ayuu shirkaas ay beesha caalamku aqbashay u yahay guul siyaasadeed iyo in xusul duubkoodii ay ugu jireen ka dhaadhicinta aragtidooda siyaasadeed beesha caalamku uu shaqeeyay.

Jibril Qoobey.