Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garowe

Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa dib ugu soo laabtay Garowe,kadib socdaal qaatay laba todobaad oo u ku kala bixiyay Dalalka Imaaraadka iyo Kenya.

Madaxweyne Deni,ayaa ugu horayn gaaray dalka Imaaraadka Carabta waxuuna kula kulmay madaxda Rugta Ganacsiga iyo kuwa shirkada DPWORLD.

Kulankii Madaxweyneyne Deni iyo madaxda shirkada DPWORLD ayay xoguhu tilmaamayaan in lagu jeexjeexay heshiiska maalgashi ee shirkadaas ay ku samaynayso Dekeda Bosaso,iyadoo uu kusoo idlaaday is afgarad iyo in Deni aqbalay in aan wax weyn laga badalin heshiiskaas.

Madaxweyne Deni,ayaa cadaadis kala kulmayay bulshada Gobolka Bari ee ay ku taal Dekeda Bosaso,kaasoo ku aadanaa in uu ka baxo heshiiskaas,inkastoo Deni ku gacan sayray una sheegya in aysan hayn wax badalkiisa noqon kara.

Xiligii Madaxweyne Gaas Puntland hogaaminayay,ayuu Deni ka mid ahaa siyaasiyiintii dhaliili jiray heshiiskaas.

Sidoo kale Madaxweyne Deni iyo kulankiisi Rugta Gancsiga ma ahayn mid saa ubuuran waxuuna kaliya ku koobnaa dadaal.

Dhanka kale Madaxweyne Deni waxuu gaaray caasimada kenya ee Nayrobi,isagoo halkaas ka sameeyay kulamo isdaba joog ah muhiimna ahaa intooda badan oo kula kulmay Wakiilada Beesha caalamka,madaxda Jubaland iyo GALMUDUG iyo madaxda Xisbiyada siyaasadeed ee Somaliya.

Guud ahaan kulamadii uu Madaxweyne Deni ku qaatay Nayrobi,ayaa ahaa kuwo wax ku oo u ahaa Puntland iyo Somaliya.

Madaxweyne Deni imaanshiisa garowe waxyar kadib waxuu kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada Safiirka Ingiriiska e Somaliya.

Isku soo wada Deni waxuu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Jeneral Maxamed Abshir isagoon aysan kusoo dhaweyn Madaxweyne ku-xigeenkii,Gudoomiyihii Baarlamaanka iyo madaxda kale ee Dowlada.