Maqaal:-Macno masoo kordhin Oday Faroole.WQ.Jibril Qoobey.

Mid ka mid ah qayladiisii iyo afxumadiisii uu caanka ku ahaa,ayuu kusii daayay madaxda Dowlada Dhexe oo todobaad ka hor uu daraadood Dadka kale u caayay.

Haatan Dadka fajaciso kuma ahan hadalkiisan,sababtoo ah waa lala qabsaday oo qofkaad waydiisaa waxuu kuugu jawaabayaa ”Waa waxiisii”.

Faroole doorashada uu maanta ku faanayo in laga ilaaliyay kooxda uu u adeegi jiray ee Nabad iyo Nolol saw Gaas-kii uu caayay kama ilaalin.

Faroole saw mahayn kii shalay lahaa Somali waa usiman tahay Garowe ee hala furo garoomada,isagoo u-qareemaya Wasiirada Nabad iyo Nolol.

Faroole waxuu ka qaadan jiray Nabad iyo Nolol lacag gaaraysa 9650-dolar bil walba,balse dhaqaale xumo ku dhacday kooxdaas awgeed waxay hakiyeen dhamaan lacagihii ay ku bixin jireen furfurida bulshada.

Faroole iyo Nabad iyo Nolol waxaa danta Somaliyed u dhow Nabad iyo Nolol ee yuusan wakhti idinkaga lumin qayladiisa.

Qaranimada Somaliya waa lama huraan soo celinteeduna waa muqadas.

Madaxda Fadaraalku haday ka gaabiyeen waajibkii loo igmaday,taa macnaheedu mahan in lagu daadifeeyo dan gaar ah.

Puntland waa saldhigii Umada iyo ilaaliyaha nidaamka Fadaraalka.

Dowladnimadeenu ha xoogaysato.