TOOS UDAAWO SHIRKA JARAA”ID EE MADAXWEYNE DENI

Warbixin

Laga soo bilaabo 8-19 April waxaan ku sugnaa Dalka imaaraadka Carabta, waxaan magaalada Abu Dhabi kula kulmay masuuliyiinta dalka Imaaraadka qayba kamid ah oo aan ka wada hadalnay waxyaabo badan oo khuseeya Puntland oo ugu heereeyo dhinaca nabad gelyada, iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta dhinaca ganacsiga iyo arrimo kaloo badan oo khusseeya wadahadal dheer, waxaa halkaas ka dhashay Isfahan ku aadan siyaasadda Dowladda Puntland u muuqanaysey.

Sidoo kale waxaan la kulanay Rugta Ganacsiga Abu Dhabi, waxaan u sheegnay meelaha u baahan fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland, waxaana isla qaadanay wax kastoo Puntland u ah dan oo quseeya maalgashiga, intaas kadib waxaan u soo gudubnay magaalada Dubai, waxaan halkaas kula kulanay masuuliyiinta imaarada Dubai waxaana usoo bandhignay xogta dalka”

Waxaan la kulanay guddoomiyaha iyo maareeyaha shirkada DP-World oo runtii aan la wadaagnay marxaladda ay Dekedda Boosaaso marayso xiligii hishiiska lagalay ilaa manta Reer Puntland ay tabsho qabaan , isxog wareysigaas waxaa ka dhashay in dhaliilahaas lawada saxo, waxaana la’isla gartay in shaqo cusub oo xadidan la-isla qabto si uu heshiisku u noqdo heshiis macno leh oo fula”

19 bisha April waxaan tagnay Dalka Kenya oo ilaa maanta aan joogey Safarkaas waxaa uu ku salaysnaa maadaama ay Nairobi xarun u tahay Dowladdaha Saaxiibka la’ah Soomaaliya khaasatan Puntland oo gacan weyn ka geysatay horumarada dalka ka jira, waxyaabaha ugu waaweyn ee aan kala hadlaynayna waxaa kamid ahaa sidii loo horumarin lahaa nidaamka Siyaasadeed ee Puntland oo nidaamka Demuqraadiyeynta iyo doorshooyinka oo halkaas uu ka qabsoomay

Waxaan halkaas kaga qayb galnay shir looga hadlayey arrimaha doorashoooyinka oo aan kusoo bandhignay sida ay nooga go’antahay in Puntland ay ka qabsoonto doorasho hal qof iyo hal cod ah, iyaguna ay naga-garabsiiyaan, is afgarad iyo guul buuna ku soo dhammaaday, mudadaas aan joogney waxaan arkay safiirada wadamo dhowr ah sida Saudi Arabia, Norway, Sweden, India, Masar, USA, EU, iyo Kenya oo aan kulamo la qaadanay masuuliyiin ka tirsan dalka Kenya”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Waxaan dadka Puntland ugu baaqayaa in ay midnimada ilaashadaan cadowgana isku meel uga soo wada jeensadaan.hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka