Madaxweyne Deni oo Kulan La qaatay xubnaha Puntland Ku Metela Aqalka Sare

Garowe,idil News. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Garoowe qaar ka mid ah sanatarada Puntland ku metela Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulankan oo ujeedadiisa iyo gun-dhiggiisu ahaa is xogwaraysi guud ee xaaladda dhan-walba ee Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland, arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, hirgelinta nidaamka federaaliisamka, dhammaystirka nidaamka loo marayo dastuurka KMG ee DFS iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulankan muhiim ka ah ee uu la qaatay sanatarada.

” Waxaan Caawa Kulan la yeelanay aniga iyo Madaxweyne Ku-xigeenku xubno Aqalka sare ku metela Puntland, dood dheer iyo isla-falanqayn ayaan ka yeelanay xaaladda dalka, meesha uu marayo, Puntland iyo waxa la gudboon, sidaas darteed ayaan doonaynaa in aan la wadaagno bulshada Puntland welwelka aan ka qabno habka siyaasadeed iyo dalka sida loo maamulayo”.

“Khataraha ugu badan ee Puntland dareemayso waxaa ka mid ah in nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyey la gacan bidixaynaayo oo uusan wadadii loo baahnaa uusan ku socon, waxaa halkaas marka kasoo baxaysa in habka dalka hadda lagu wado uusan ahayn habkii lagu heshiiyey”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale xusay in Puntland diyaar u tahay sida tariikhda ku xusan dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo taama, taasi oo ku salaysan nidaamka Federaaliisamka.