Madaxweyne Deni oo si adag u naqdiyay magacaabistii Gudoomiyaha Bangiga Dhexe

Garowe,idil News.Shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Xafiiskiisa ayuu waxaa uu sheegay in si qaldan loo maray habkii loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe, isagoo in markii hore loo ekeysiiyay tartan furan, balse markii liiska soo baxay la magacaabay ninkii ku jiray Guddigii Imtixaanka saxayay.

“Waxaan dhaliil weyn ka qabnay sidii loo maareeyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxay xadgudub ku tahay nidaamka wax qeybsiga muuqda oo hadana howshii socotay ay aheyd mid aad u qaldan oo in la sheego habboon”ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay in Guddoomiyaha Bankiga Dhexe uu ahaa xil ay qeyb ahaan u leeyihiin dadka reer Puntland, balse arrintaas laga weecday, isla markaana qaab maroorsi ah loo siiyay qof aan ka soo jeedin Puntland.

“Tartankii markii uu soo dhowaaday waxaa dadkii liiska ku soo baxay ay wada noqdeen reer Puntland, waxaa la qaatay nin ka mid ah qoladii Guddiga imtixaanka qaadayay ee dadka kala xuleysay oo aanan reer Puntland aheyn, dadkii liiska soo galay waxay ahaayeen dad reer Puntland ahaa”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayay shacabka Puntland ugu riyaaqeen sida uu uag falceliyay dulmigan cad ee ay madaxda Fadaraalku kula kaceen.