Video:-Xasan Sh. iyo Sh.Shariif oo si adag u naqdiyay hogaaminta Farmaajo.

Xilli weli ay jirto cabasho ay qabaan siyaasiyiin farabadan taas oo ku aadan in dowladda Dhexe ee Soomaaliya ku heyso caburin,ayaa waxaa soo baxaya baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo Madaxda Dowladda Dhexe .

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayay munaasabadda daah furka Xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran ayaa sheegay in uusan ka aamusi karin xaaladaha qaar ee dalka ka jira, isagoo ka dhawaajiyay in Amniga Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya uu hoos u sii dhacayo.

“Amniga Muqdisho hoos ayuu u sii dhacayaa, in magaaladna xirnaato, amni uusan jirin ma ahan wax sax ah, waa in istiraatiijiyadaas dowladda wax ka qabato, dowladda labo sano ayay wax qabanayesay, illaa iyo hadda laguma qanacsana.

Shiikh Shariif ayaa khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda, isagoo soo hala qaaday xaaladihii uu dalka soo maray, dowladdii Milateriga, dagaaladii sokeeye iyo dowladihii KMG ee dalka u soo dhismay iyo dowladda rasmiga ee dhalatay sanadkii 2012.

“Dalkaan wuxuu soo maray 21 sano oo xukun milateri ah, dhowr iyo labaatan sano oo dagaal sokeeye ah, 10 sano oo kumeel gaar ah, maanta waxaa noo dhisan dowladdii labaad markii laga baxay Kumeel gaar, marka waa in aan is weydiinaa, xagee soo gaarnay, meesha aan joogno waa xagee, waa dalkan wuxuu u baahan yahay axsaab siyaasadeed, afkaar siyaasadeed oo cusub oo ka gudbisa marxalada 4.5 inay dadka u gudbaan afkaar siyaasadeed iyo mabaa’dii”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo madasha ka hadlay,ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Faderaalka ay ku u dhiirigelineynaa in saaxada siyaasada dalka in ay furto taladana la wadaago,isla markaana ay raali ka noqotaa markii ay hadlayaan Siyaasiyiinta.


Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa waxaa uu ku hanjabey in hadii dowladda u diido inay kulmaan ay si awood ah ku kulmi doonaa.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Somaliya Shiikh Shariif oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran, ka hadlay goobta,ayaa dhaiilay madaxda Xukuumada Fadaraalka xiligan hogaaminaysa.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka