Ciidamada Jubaland oo weerar ku qaaday Fariisimo Alshabaab

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland ay xalay weerareen degmada Xagar ee gobolkaasi, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ciidamada weerarka ku qaaday degmada Xagar ayaa ka soo kicitimay dhanka degmada Afmadow.


Ilaa hadda sida la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, khasaare dhimasho wali na looma xaqiijinin.


Dadka degaanka,ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ee weeraray Degmada Xagar ay dib ugu soo laabteen dhanka Afmadow.


Wararka ka imaanaya Deegaanka,ayaa intaas ku daraya in ciidankaas jidka ay u galeen maleeshiyo loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, halkaasna uu ka dhacay iska hor imaad.


Ilaa iyo hadda wax faahfaahina lagama hayo dagaalkaas,sidoo kalena Dowlada Jubaland war kama soo saarin.