Hogaamiyihii ISIS oo 5-sano kadib muuqaalkiisa la arkay

Abu Bakr al-Baghdadi, hogaamiyaha kooxda ISIS ama Daacis ee Khilaafada Islaamka Suuriya iyo Ciraaq ayaa kasoo muuqday cajal cusub oo uu soo duubay kaas oo sannadkii 2017 la sheegay in uu dhintay.

Lama oga halka uu ku sugan yahay hoggaamiyahan inkastoo “laga sifeeyay” kooxdiisa dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waana markii labaad oo uu muuqaal kasoo muuqdo al-Baqdaadi.

Markii ugu horreysay oo uu cajal kasoo muuqday ayay aheyd magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, sannadkii 2014-ka xilligaas oo kooxda ISIS ay ugu awoodda badneyd.

Al-Baqdaadi oo magaciisa runta ah yahay Ibrahim Awwad Ibrahim al-Badri ayaa waxaa uu ku dhashay sannadkii 1971 magaalada Samarra ee dalka Ciraaq, waxaana uu kasoo jeedaa sida uu sheegtay qoys qabiil ahaan kasoo jeeda Nabi Muxammad NNKH.

Muuqaalkan cusub ee al-Baqdadi ayaa waxaa uu dhabar-jab ku noqonayaa Mareykanka iyo xulufadiisa kuwaas oo dagaal kula jira kooxda al-Baqdaadi islamarkaana horay u sheegay in uu hoggaamiyehaasi dhintay.

Copenhegen,idil News.