Video:-Wafti uu hogaaminayo Safiirka Masar Ee Somaliya oo soo gaaray Garowe

Waxaa booqasho kusoo gaaray garowe wafti uu hogaaminayo Safiirka Dowladda Masar ee Somaliya.

Waftiga uu hogaaminayo Safiirka Dalka Masar ee Somaliya,waxuu kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada Puntland Madaxweyne Deni iyo xubno ka mid ah Golahiisa Wasiirada.

”Dalka Masar ee aan walaalaha nahay iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo waxaan aad uga mahadcelinaynaa safiirka dedaalkiisa uu ugu jiro sidii uu u kobcin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta dalka Masar iyo Soomaaliya’ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni iyo Safiirka oo shir jaraa’id wada qabtay kulankooda kadib,ayaa sheegay in wadahadaldii qaybihii hore ay yeesheen waftiga Masar,sidoo kale qayba danbe ay hareen oo ay yeelan doonaan.

Waftiga Masar,ayaa Puntland joogi doona mudo sadex bari ah waxayna gaari doonaan meelo badan oo Puntland ka mdi ah sida Bosaso.

Madaxweyne Deni,ayaa sheegay in booqashadan waxay ku salaysan tahay,sidii loo kobcin lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Somaliya iyo Masar, gaar ahaan Puntland iyo xiriirka wax wada qabsi ee dhinacyada horumarinta, Caafimaadka, Waxbarashada, Cadaaladda, Kalluumaysiga iyo khayraadka kale,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka