Talyihii Booliska Nugaal oo xilkii laga qaaday

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa xilka ka qaaday taliyhii Qeybta Booliiska gobolka Nugaal, G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha,ayaa xilka looga qaaday taliyaha, waxaana xilkaasi si ku meel gaar ah loogu magacaabay G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee Gobolka Nugaal.


G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed,ayaa hore xilkan loo magacaabay 28 October 2018,isagoo xilka hayay muda 6 -bilood ah.