Maareeye oo loo magaacabay Wasiirka Warfaafinta Fadaraalka

Khayre,ayaa umagacaabay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii ganacsiga.

Sidoo kale Wasaaradii ganacsiga,ayaa loo magacaabay mid ka mid ah musharaxiintii xilka Madaxweynaha isku soo taagay,kaasoo lagu magacaabo Eng. C/llaahi Cali Xasan.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga ayay isku hayb yihiin Wasiirkii hore ee warfaafinta Daahir Maxamuud Geele.

Daahir Maxamuud Geelle ayay xoguhu sheegayaan in uu qorshaynayo ku dhawaaqista Musharaxn utaagan xilka Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka doorashada soo socota.

Daahir,ayaa dhawr jeer oo hore damcay in uu iscasilo,balse waxaa ka diiday iscasilaadaa Madaxweyne Farmaajo.

Jibril Qoobey.