Madaxda Somalida oo kusii qulqulaysa Garowe

Labada bisha waxaa Garowe ka furmaya Shir dib loogu qiimaynayo xaalada dalka Somaliya,gaar ahaana lagu jeex-jeexi doono Dastuurka iyo Amniga.

Shirkan waxaa ka qaybgalaya Madaxda ugu saraysa Dowlada Fadaraalka.Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Kulankii Nayrobi ee dhexmaray sadex ka mid ah Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Safiirka Maraykanka ee Somaliya,ayuu ka dhashay aragtiad ah in shirkan la qabto.

Beesha caalamku waxay garwsiiyo umuujisay doodii Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,waana mida keentay in ay soo jeediyaan in garowe lagu qabto shirkan.

Maalinka Beri ah waxaa si hordhac ah ugaaraya garowe waftiyo,iyadoo la filayo maalinka Jimcaha ah in madaxdu gaarto Garowe.

Waa Shir Madaxda ugu saraysa Dowlada Dhexe ee Fadaraalku talada dalka ay isku koobeen gacantooda ka saari doona ugu danbayna ay ka dhalan doonto qorshe ”Road Map” oo dalku ku gaaro 2021.

Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ayuu shirkan u yahay guul siyaasadeed iyo in xusul duubkoodii ay ugu jireen ka dhaadhicinta aragtidooda siyaasadeed beesha caalamku uu shaqeeyay.