Madaxweyne Deni oo hanbalyo udiray shaqaalaha Somaliyed

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa hambalyo ku aadan maalinta fasaxa shaqaalaha Adduunka May, 01, 2019 u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha Puntland.

“Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Puntland oo maanta ay u tahay maalin fasax oo ay kala siman yihiin shaqaalaha adduunka. Shaqaaluhu waa laf-dhabarta ummad walba oo adduunkan horumar ka samaysay, shaqaalaha Soomaliyeed waxay u dhabar adaygeen oo dalkooda ugu shaqeeyeen, kana samata bixiyeen duruufo adag oo uu baday burburkii dhan-walba dalkeena ka curyaamiyey “.

“Shaqaalaha Puntland waxay qayb ka ahaayeen dedaalkii aan kala harka lahayn ee Puntland dib ugu soo noolaysay dowladda Soomaaliyeed. Hambalyo dhamman shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha reer Puntland” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Jibril Qoobey.