Maxaa looga xaajooday kulankii Golaha Wasiirada Puntland?

Madaxweynaha Puntland oo golaha warbixin ka siiyay safarkiisi dibadda,  ayaa si faahfaahsan uga hadlay  arrima u soo qabsoomay safarkiisa, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkaasi.

Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Maaliyadda, Kalluumeysiga, iyo Duulista hawada, Amniga iyo Warfaafinta ayaa iyagana shirka looga dhegaystay warbixinno la xiriira shaqooyinkooda .

Madaxweynaha,ayaa golaha xukuumadda amray in si dhammaystiran ugu diyaar-garoobaan shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo Garoowe lagu qabanayo.

Halkan ka akhriso:-