Video:-Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay shirka Garowe iyo xaalada Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu soo laabtay maanta Magaalada kismaayo ee xarunta Kmg ah Jubaland,ayaa ka hadlay shirka Garowe.

”Shirkaas waxaa keenay markaan si kadis ah ama lama filana ah aan anagoo dhawr madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo beesha caalamka,waxaana istusnay in shir layskugu yimaado loga tashanayo xaalka dalka iyo sidii Somaliya horay ugu sii socon lahayd”

Hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa meesha ka saaraya sheegashadii Dowlada Fadaraalka ee ahayd in shirkaas horay usii qorshaysnaa Dowladauna ay waday oo ay sii ogayd.

Dhanka kale Waxuu Madaxweyne Axmed Madoobe ka hadlay xaalada Jubaland,doorashada soo aadan iyo midnimada shacabka,hoos kad aawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka