Ra’isalwasaare Khayre oo soo gaaray Garowe

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre,ayaa soo gaaray caasimada Puntland ee Garowe,waxaana ku soo dhaweeyay garoonak madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan golayaasha kale ee xukuumadda.

“Waxaa maanta sharaf wayn noo ah, iyadoo maalin Jimce ah ay tahay inaan ku soo dhawayno Garoonka Gen, Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi ballaaran oo la socday, iyadoo maalinta berri ah haddii Alle ka dhigo uu ka billaaban doono shir wadatashi ah Garoowe oo ay yeelan doonaan Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.


Waxaa la filayaa saacadaha soo socda in uu sadago Madaxweynaha GALMUDUG Axmed Ducaale Geelle Xaaf,sidoo kale maalinak beri foog ah,ayaa la filyaaa in uu yimaado Madaxweyne Farmaajo.