Video:-Rasaas fara badan oo lagu qabtay Xuduuda Wajaale

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo dagaallo dad badani ku dhinteen ay galbeedka Itoobiya ku dhex mareen dabley ka tirsan qowmiyadaha Amxaarada iyo Benishangul Gumuz, waxaana saraakiisha dowladda Itoobiya ay uga digeen dadka in ay weerarro kale oo aargoosi ah qaadaan.

Weerarkii ugu dambeeyey ee lagu laayey dad ka tirsan qowmiyadda Benishangul Gumuz ayuu sarkaal tirsan dowladda waxa uu ku tilmaamay xasuuq.

Dalka Itoobiya waxaa in dhawaale ka jiray isku dhacyo u dhaxeeya qowmiaydaha dalkaasi, waxaana isku dhacyadaasi loo aaneynayaa is-qabqabsi dhanka xudduudaha ah.

Horey ayaa waxa ay dagaallo dhex mareen qowmiyadaha Soomalaida iyo Oromada, kuwaasi oo isku haystay lahaanshaha magaalada Mooyaale iyo deegaanno kale,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka