Video:-Dagaaalka Xamaas iyo Srael oo sii xoogaystay

Dagaalyahannada ururka Hamas ee maamula magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah gantaallo kale ku ganay dhinaca Israil, iyadoo ciidanka Israel-na ay ku jawaabeen duqeymo cirka ah.

Duqeymaha ay tan iyo Sabtidi shalay is weydaarsanayaan labada dhinac ahaa ka dhigan inuu burburay heshiiskii xabad joojinta ee u dhaxeeyay xamas iyo Israel. Waxaana hadda laga cabsi qabaa in dagaalka labada dhinac uu sii xoogeysto.

Ra’isulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa maanta sheegay inuu ciidankiisa ku amray in ay sii wadaan duqeymaha dhinaca cirka iyo dhulka ah ee ay ku beegsanayaan Xamas. Waxaa kale oo uu amray in taangiyada Israel la geeyo xadka magaalada Gaza si ay u duqeeyaan Gaza.

Maamulka magaalada Gaza ayaa ku warramay in duqeymaha cirka ah ee ay Israil ka wadday Gaza Sabtidi ilaa Axada maanta ah ay ku dhinteen ilaa iyo lix Falastiiniyiin ah oo lab aka mid ah yihiin xoogaga ka dagaalama Gaza.

Israil ayaa dhankeeda ku eedeyay ururka Hamas, dhimashada hooyo uur laheyd iyo canugeeda yar. Magaalada Ashkelon ee ku taalla xadka Gaza, nin oday ah ayaa ku dhintay madfac ay soo tuureen dagaalyahannada Gaza.

Millatariga Israil wuxuu sheegay in tan iyo Sabtidii ay maleeshiyada ururka Islamic Jihad ay magaalada Gaza kaga soo tuureen in ka badan 450 gantaal, waxay sheegeen in 150 ka mid ah madaafiicdaasi uu ka hor tagay nidaamkooda difaaca cirka,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka