Cabdiraxmaan Yariisoow oo ku kacay fal ay ka caroodeen madaxda kale

”#Somalia moves forward as Somali President today chaired a consultative meeting with leaders from regions. Discussions include key priorities of the country such as holding one person one vote elections by 2021”.

Hadalka Yariisoow,ayaa Somali ahaan noqonaya,sida tan..


”Somaliya horay ayay usocotaa,Madaxweynaha Somaliya,maanta(5,May 2019),ayaa shir gudoomiyay shir wadatashi ah oo uu la yeeshay Gobolada,wadahadalada waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mida arimaha ugu waa weyn,sida qabashada doorasho qof iyo hal cod ah 2021”ayuu Yariisoow ku yiri Qoraalka usoo dhigay bartiisa Twitter-ka uu ku leeyahay.


Hadii Yariisoow isagu matalayo Gobolka Banaadir madaxda kale waxay matalayaan Gobolo isku tagay oo noqday Dowlado,isla markaana xubno kasii noqday Dowlada Dhexe ee Fadaraalka ah.


”’Yariisoow oo ah Duqa Muqdisho,ayaa shirka markii hore loogu casumay matalaad ahaan Dadka Somaliyed ee Gobolka Banaadir ku nool,balse fursadaas waxuu u adeegsaday in uu si khaldan u isticmaalo,taasna waxaa ka carooday madaxda kale oo codsaday in shirka banaanka laga dhigo”sidaa waxaa noo sheegay sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland.


Eryaga uu isticmaalay Gudoomiye Cabdiraxmaan Yariisoow waa gaf Dastuuriya iyo hoos u dhigis maqaamka Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Dhexe ee Fadaraaliga ah.