Ciidamada PSF oo ay kaabayaan diyaaradaha Maraykanka oo garaacay hogaamiye ka tirsan kooxda Daacish

Duqeynta oo sida la sheegay lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish ayaa lagu garaacay buuraha Isha Gaaca iyo Moqor qiyaastii 75-km dhanka Bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.


Balse waxaan weli faahfaahin laga helin in khasaare ka dhashay duqeyntaasi iyo haddii uu ka dhashay inta uu le’egyahay midna.


Duqeynta,ayaa ku soo beegmatay iyadoo halkaasi ay maalmihii u danbeeyay hawlgallo xiriir ah ka wadeen ciidanka PSF ee dowladda Puntland oo dagaal kula jira kooxaha argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab.