Video:-Khayre oo ku kacay baratakool xumadii ugu weynayd Ee ka dhacda shirka Garowe

Nidaam xumadii ugu weynayd ee ka dhacda soo dhaweyntii madaxdii kasoo qaybgalaysay shirka Garowe maalmo ka hor,ayaa noqotay muqaalkan aad hoos ka daawan kartaan.

Ra’isalwasaare Khayre ooo si baratakool xuma ah u hor socda Madaxweynaha Fadaraalka iyo Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni oo lahaa soo dhaweynta martina loo ahaa ayay ahayd in uu halkaas istaago,balse Khayre oo umuuqda in uusan cidna la haysan,ayaa ciriirsaday.

Waxaa muuqaalku ku tusinayaa ,iyadoo saraakiisha baratakoolku tilmaamayaan Khayre una sheegayaan in uu booskiisa siiyo Madaxweyne Deni isaguna gadaal maro,balse si kadisa ah waxaa si xushmad ku dheehan tahay udiiday Madaxweyne Deni oo yiri sii wado hawshaada mudane Khayre.

Masuuliyiinta Dowlada Dhexe,ayaa inta badan lagu xantaa fudayd iyo istus-tus aan ku fadhiyin nidaamka Dowliga ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka