Kulan dhexmari lahaa Farmaajo iyo shacabka Garowe oo la baajiyay

Kulan loo qaban lahaa Madaxweyne Farmaajo oo uu rabey in bulshada Garowe kula hadlo,ayaa baaqdey kadib markii uu gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo Taliyaha booliiska gobolku ay hoteelkii ay xafladu ka dhici lahayd ku wargaliyeen inaysan xafladaas dhici karin.

Sida la xaqiijiyey amarka joojinta,ayaa kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo sheegey in uusan Farmaajo ka codsan kuna wargalinin la kulanka shacabka Garowe sidaas darteedna kulan aysan Dowlada Puntland ogeyn uusan ka dhici karin Garowe.

Dhanka kale waxaa dhankooda ka hadlay xaruntii soo abaabushay kulankan la baajiyay ee Center of Policy Alternatives,taasoo sheegtay in wakhtiga oo ciriiri noqday awgeeed loo baajiyay kulankaas.

Isku soo wada duuboo talaabada Madaxtooyada Garowe ay qaaday,ayaa la oran karaa waa ku saxsan tahay,madaama ay iyadu masuul ka tahay Deegaamada Puntland.