Madaxweyne Deni oo goor dhow qabanaya shir jaraa’id

Warbaahinta ka howlgasha magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa hadda looga yeeray aqalka madaxtooyada ee caasimadda Puntland Garowe.

Xafiiska warbaahinta madaxtooyada Puntland,ayaa warbaahinta ku wargeliyey in salaadda cishe ee caawa kadib uu madaxweynuhu qaban doono shir saxaafadeed uu kaga hadlayo arrimo kala duwan.

Inkastoo aan warbaahinta lala wadaagin ajandaha rasmiga ah haddana warar hoose,ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni uu kaga hadli doono arimo laga xusi karo..


1.Shirkii Garowe,
2.Madasha iskaashiga Puntland, Hirshabeelle iyo koonfur Galbeed,
3.Xaaladda guud ee dalka

Jibril Qoobey.