Video:-Madaxweyne Deni oo sheegay in uu dhisi doono hay’ada difaaca madaniga ah

Munaasabad lagu wareejinayay Gaadiid Damdamis oo ay shirkada Golis ku wareejinaysay Dowlada Hoose ee garowe,ayaa waxaa kasoo qayb-galay maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garowe, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ganacsato maamulka sare ee shirkadda Golis iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyey goobta lagu wareejinayey agabka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leeyihiin dab-damiskani iyo iskaashiga dowladda iyo shacabkeeda.

“Dawladdu waa dadka, dadkana inay isku tashadaan waa wax waajib ku ah, hadaysan dabka iska damin oo colaadda iska damin oo gaajada la dagaalamin oo dhibaatooyinka kale ee bini’aadamka ku soo wajahan meel ugu soo wada jeesan, ogaada dad gaar ah wax ma gaarayaan ee bulshadoo dhan ayay gaarayaan, marka in dadku isku tashado oo dowladda oo dadka ka mid ah danaha guud ka shaqayso waa muhiim”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Sidoo kale Madaxweyenaha dowladda Puntland ayaa shirkadaha kala duwan ee Puntland ka howl gala ku booriyay inay xoojiyaan adeegyada ay ku horumarinayaan bulshadooda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan lasoo bandhigi doono qorshe dowladdeed oo ku aadan dhinaca horumarinta, kaas oo in muddo ah laga shaqaynaayey, isla markaana arrimo badan lagu iftiimin doon,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka