Col. horey gu tirsanaa ciiddankii dowladdii kacaanka oo lagu soo oogay tacadiyo dil ah

Col. Yuusuf Cabdi Cali “ Tuke ” ayaa waxa uu shalay ka soo hor muuqday maxkamad ku taalla magaalada Aleskandariya ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka, isagoo wajahaya eedeymo ku aadan inuu jir-dil iyo dil geystay muddadii uu taliyaha ka ahaa ciiddankii ku sugnaa Gobalka W/Glabeed ee Soomaaliya sannadihii 1980-aadkii.


Garsoore rayid ah ayaa waxay furtay dhegeysiga dacwadaha ka dhan Col. Yuusuf Tuke, oo uu ku soo oogay nin Soomaali ah oo sheegtay inuu taliyuhu toogtay, isla markaana uu mayd ahaan uga tegay, isla markaana uu badbaaday, kadib markii uu ciiddanka siiyey laalush, si aysan isaga u aasin, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qareen Ben Klein oo u doodayey Dhibane Farxaan Maxamuud Taani Warfaa ayaa sheegay in Dhibanaha iyo dhallinyaro kale  lagu xiray Degmadda Gabiley bishii December ee sannadkii 1987-kii, si wax looga weydiiyo Gaari Booyadle Biyo ah oo laga xaday Ciiddanka.

Dhinaca kale, Qareen Joseph Peter Drennan oo u doodayey Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke” ayaa sheegay inuu Sarkaalku ahaa Askar Khibrad leh oo tababar Milliteriga ku qaatay gudaha dalka Maraykanka.

Qareenku waxa uu Garsoorka Maxkamadda u sheegay inuusan wax dood ah ka qabin  jir-dilka loo geystay Farxaan Maxamuud Taani Warfaa, balse uusan jir-dilka kala kulmin gacmaha Sarkaalka Kolonel Tuke.