DEG DEG: Ardayda Muqdisho ” Dooni mayno Goodax Barre “

Kumanaan arday ah ayaa goor dhow waxa ay dibadbaxyo ka bilaabeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood, sida wadada wadnaha.

Ardaydan oo ka careysan go’aankii uu wasiir Goodax ku joojiyey imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiga sare oo Saddex maalin ay galeen, ayaa joojiyey waddooyinka qaar isku socodka gaadiidka.

Aargada Lambar Afar iyo qeybo badan oo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ayeey ardadu ku banaanbaxayaan, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas u muuqata in kor loo ridayo.

Sidoo kale arday kale oo badan ayaa isugu tagay taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ay ku hadaaqayaan erayo ay ka mid yihiin “Dooni meyno Goodax Barre”