Video:-Dunida oo bogaadisay xukunkii lagu riday raggii kufsaday Caasho Ilyaas.

Xukunkii dhawaan ka dhacay Garowe, ayaa baal-dahab ah ka galay sooyaalka guud ahaan dalka, wuxuuna u sameeyay taariikh cusub oo lama ilaawaan ah Qaranka Soomaaliyeed, xilli Dunidu bogaadisay.


Sida laga soo xigtay war kasoo baxay Bureau of Forensic Science, ayaa lagu sheegay inay tahay markii ugu horaysay guud ahaan Soomaaliya oo caddaymo laga helayo hindisaha [ DNA-ga ] xukun loogu rido fal-dambiyeed.


” Soomaaliya waxay markii ugu horaysay ay ku biirtay dalalka ku midoobay in qaab cilmiyaysan loo xaliyo kiisaska dambiyada foosha xun ” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Bureau of Forensic Science.


Xukuumaddii Gaas ayaa hir-galisay shaybaarka dheecaanada lagu baaro 2017-kii, xilligaas oo ay bateen falalka iyo dacwadaha kufsiga, waxaana u jeedkiisu ahaa in xal loo helo dhacdooyinkan ku soo batay gayiga Dhul-udug.


Bureau of Forensic ScienceWaaa xarun qaabilsan qaabilsan in gal-dacwadeedyada jinsiga qaab cilmiyaysan loo wajaho inta lagu guda jiro baaritaanka, taasi oo sahlaysa in la helo caddaymo biyo kama dhibcaan ah.