Haweenka Puntland oo loogu baaqay in ay garab istaagaan Xukunka Maxkamada

Haweenka Puntland,gaar ahaan kuwa Degmada Burtine waxaa loogu baaqay in ay abaabulaan Mudahaaraadyo waa weyn oo ay kaga soo horjeedaan Raga Burtinle ka hadlay ee difaacaya Danbiilayaasha.

Mudaaharaadyadaas waxay xoojinayaan Xukunka dhacay,waxayna dhiirigalinayaan Dowlada,sidoo kale indhaha caalamka ayay si mug leh ugu soo jeedinayaan Xukunka.

Haweenku hadaysan maanta isku duubni muujin kana dhiidhiyin hadalka ragaas beri cidna ma eedayn karaan dhibkuna waa sii soconayaa waligoodna dib uma arki doonaaan cadaalad.

Haween weynaha Puntland waxaa loogu baaqayaa in ay Taageeraan Xukunka maxkamada oo ka dhiidhiyaan hadalka Raga Burtinle ka hadlay.