Video:-Madaxwaynaha Hirshabeelle ” waad fashilanteen “



Hir-shabelle oo kalsoonida kala laabatay Imtixaanka ay qaado Wasaarada waxbarashada Dowlada Dhexe,sidaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweyne Waare oo la hadlayya Ardayda Magaalada Jowhar oo iskugu soo baxay mudaaharaad balaaran ay kaga soo horjeedaan Wasiir Goodax Barre.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ayaa la hadlayay boqolaal arday ah oo saaka isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar waxana uu ku amray guddiga qaadista imtixaanka oo ay wasaarada waxbarashada dowlada federalka soo dirty inay dib ugu laabtaan Muqdisho .

“Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada inay isla xisaabtan sameyso oo si deg-deg ah cidii fashilisay imtixaanka tallaabo loogaga qaado.“Maanta wixii ka dambeeya waxbarashada ardayda Hirshabelle waxaa mas’uul ka ah dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Madaxweyne Waare,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.



.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka